Apple waa shirkad ku caan baxday curinta iyo soo saarka technology isticmaalkeedu fududyahay isla markaana aad u raali galisa macaamiisha ku xidhan.
Maalintii arbacada ee 19 August ayey noqotay shirkadii u horaysay ee laga leeyahay dalka U.S. ee qiimaheedu qaadho $2 trillion.
Shirkadan samaysa telephone-ka Apple ee qiimaheedu gaadhay $2 tillion ka dib markii isla maalintan oo kale laba sano ka hor lagu qiimeeyey $1 trillion dollar oo markaa ahayd dhacdo ugub ku ah suuqa saamilayda.
“Waa natiijo yaab leh oo ay gaadhay shirkada apple” sidaa waxa yidhi Tim Bajarin, gudoomiyaha creative strategies, oo daraasado ka samaysa technology sector-ka aduunka.
Hadaba waxaa qayb wayn ka qaatay kor u kaca qiimahan shirkadan ayaa ah markii oo caabuqan COV19 oo aduunyada kala xidhay in ay dad bardan aad u adeegsadeen aaladaha kala duwan ee maqal iyo muuqaalba loogu wada xidhiidho, taaso korodh ku keentay iibkii qalabka kala duwan ee Apple soo saarto.

 365 total views