Waxaa marar badan dhacda in adiga oo ku dagdagaya u hayaanka qabsashada  hawl maalmeedkaaga inaad ilawdo buuxinta baytariga mobaile-kaaga, ka dib si naxdin leh kolba aad u jaleecdo inta kuugu hadhay oo kolba hoos u sii dhacaysa adigoo ka fakaraya hawlaha aanad uga maarmayn ee wali ku sugaya.

Hadaba waxaan halkan idinkula wadaagaa talaabooyin aad qaadi karto si aad isaga ilaaliso arintani inay ku qabsato aanad ka hesho faaidada ugu badan baytariga telephone-kaaga.

Ku hay baytariga tilifoonkaaga in ku dhaw %50

Dabayntu (charging) waa talaabada ugu muhiimsan ee ilaalinta nolosha baytariga (battery) inaaad fahanto sida ay u shaqaysana waa muhiim,

Baytariga tilifoonku (Phone battery) wuxuu ka koobanyahay laba dabaqadood, ta koobaad waxaa loo yaqaanaa (graphite) ta labaadna (lithium cobalt oxide). Dabku wuxuu ka dhashaa marka (lithium ions) ay ka gudbaan dabaqada (graphite layer) una gudbaan (lithium cobalt oxide layer). Markaas ayaa ay bilaabantaa dab qaadashada baytirigu.

Waxay arintaasi noo iftiiminaysaa in halka ugu haboon ee baytarigu  sida ugu fiican ugu shaqeeyaa ay tahay markuu cabirka taaganyahay %50 – marka uu joogo xadigaaa labada dabqadood ee uu ka koobanyahay baytarigu midiba uu qayb joogo waxa yaraynaysaa is jiidadka ka dhex dhacaya taasoo kordhinays waxaa loo yaqaano charging cycles-ka inta aan dabku hoos udhicin, sidaa awgeed waxaa ugu fiican in lagu ilaaliyo cabirka inta u dhaxaysa %20-%80, si joogtaa oo googoos ahna loo dabeeyo.

Ha kaga seexan tilifoonkaaga oo dabka ku jira

Si kasta oo aad ugu dayso tilifoonkaaga dabaka qaadan maayo in ka badan inta loogu talo galay iyadoo isla marka oo gaadho %100 ay hawl galayso (trickle charge mechanism)

Inaad dabka ku haysaa culays mooyee wax faaido ah uma laha cimriga baytariga.

Ugu dambayn ha isticmaalin xadhig dabeeye ah (phone charger) aan original ahayn wayo waxa lagaa yabaa inaanay lahayn wax ka xadida dabka gaadhayaa baytariga taaso dhaawac ku keenaysa layers-ka aynu kor ku soo xusnay.

Iska xidh waxyaabaha aanad baahida u qabin

Isticmaal  adeega lower battery mode oo aad ka heli karto qaybta settings ee tilifoonkaga , waxa kuu madhxinayaa oo yaraynayaa wax walba oo isticmaalahaya kaana cunayaa baytariga sida (brightness CPU usage)

Iska xidh Bluetooth, WI-FI iyo GPS hadii aanad isticmaalayn, isha ku hay APPS-ka aad isticmaalayso ayagoo culays badan saara baytariga kuwa ugu dab cunista badan waxaa ka mid ah youtube,snaphat,Netflix IWM.

Ka fogee tilifoonkaaga kulaylka taasoo culays saara bayttariga kana lumiya tamar faro badan.

 381 total views