Sanad ka hor ayay ahayd markii shirkadda Facebook ku dhawaaqday qorshe dhiiranaan leh oo ku aadan isku furka kaabayaasha aasaasiga ah ee ay ku dhisanyihiin adeegyada fariimaha la isugu diro ee ugu horeeyaan Instagram,messenger iyo what’s up.

Goonkaasi markii uu soo shaac baxay waxa uu la kulmay cadaadis faro badan se hada ka sakow cadaadiskaa shirkadu hore ayey ugu soconaysaaa go’aankaas.

Waakan waxyaabaha aad u baahantahay inaad ka ogaaato arintaa.

laga soo bilaabo 28-sep-20 adeegsadayaasha Instagram ayaa waxay ay arkeen Update cusub oo sheegaya qaab cusub oo fariimaha la isugu gudbinayo.

Marka aad furto qaybta DM-ka (Direct Message) waxaa kuu muuqan doonta labada LOGO ee Instagram iyo Facebook oo la isku dhafay, waxaana aad arki doontaa astaamo (features) ay ka mid yihiin midabo kala duwan oo aad u badali  muuqaalka fariimahaaga, Emogis cusub oo tiro badan,  mari oo u jawaab (Swipe to reply), iyo la sheekayso asxaabtaada facebook isticmaalaysa.

Hadaba marka aad  ku dhufato ‘Update’, Instagram wuxuu isku badali doonaa interface cusub, waxaanad arki doontaa Messenger Logo halkii markii hore ahayd DM button.

Ka dib midabada loo soo diraha iyo ku wa diruhu way isbadali doonaan.

Halka uu interface-ka cusub oo wax badan kaga duwanyahay kii hore aadna uga fiicanyahay hadana waxaa soo baxday in aan wali adeegii ugu muhiimsanaa ee  fariimaha aad ugu diri karaysay asxaabtaada facebook messenger-ka ma shaqaynayo.

Waxaad moodaa inay ina tusayso Mark Zuckerberg (gudoomiyaha shirkada facebook) iyo team-ka uu hogaaminayo inay wali ku gudo jiraan kala gurista iyo wax ka badalka server-rada kala haga adeegyahadan oo sanado badan si kala gaar ah u dhisnaa una shaqaynayey.

Shaqadaas marka laga gudbo waxaa ku xiga WhatsApp oo isagana lagu soo xidhi doono labadan adeeg ee waaweyn  loona samayn doono waxaa loo yaqaano (single unified ecosystem) kaas oo suurto gal ka dhigayaa iyadoo 3 platform oo kala  gaar yihiin hadana ay wada xidhiidhi karaan.

Sawiro adigoo fariin udiri kara qof isticmaalaya  Instagram iyo messenger adigoo adeegsanaya whatsapp.

#Technonolgy waa qayb nolosha ka mid ah.

Abdirahman Cajab

 433 total views