Madaxwayne Muuse Biixi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Shanta Sanno ee soo socda. Ergooyinka Shirka ayaa sidoo kale cod aqlabiyada ku ansaxiyay Guddoomiyeaha Kowaad ee Xisbiga Mudane Maxamed Kaahin. Axmed Cabdi Dheere ayaa isna loo doortay guddoomiye kuxigeenka labaaad halka Xuseen Aadan cadde-na guddoomiye xigeenka sadeexaad loo doortay. Maxamed Xasan Saajin ayaa loo doortay Guddoomiye kuxigeenka afraad oo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Abdirahman Saylaci uu ka tanaasulay.

 366 total views