Jamhuuriyadda Botswana waa wadan xidhan oo aan bad lahayn oo ku yaalla koonfurta qaaradda Afrika. Botswana waa maxmiyaddii Ingiriiska ee Bechuanaland. Ingiriiska iyo Eerlaan ayaa maxmiyaddan 31kii March 1885 ka aasaasay koonfurta Afrika, waxaanay noqotay jamhuuriyadda Botswana 30kii September 1966kii. Magacan Botswana waxa uu u baxay kadib xoriyadda. Laga soo bilaabo markii ay Botswana xorowday ilaa hadda waxa ka jira nidaam dimuqraadi ah oo shaqeeya iyo doorashooyin aan la carqaladayn, sidoo kale waa wadanka ugu musuqa yar Afrika, isaga oo dunidana kaga jira kaalinta 34aad.

Waxa xuduud dhuleed la wadaaga wadamada; South Afrika oo ka xigta koonfur ilaa koonfur-bari, Namibia oo ka xigta galbeed iyo waqooyi iyo Zimbabwe oo ka xigta waqooyi-bari. Xuduudka waqooyi ee ay la wadaagto wadanka Zambia waa mid aan badnayn inta badanna waa la iskaga tagaa, maadaama oo uu dhan yahay wax aan ka badnayn dhawr boqol oo mitir.

Bedka guud ee wadanka Botswana waa 581,730 km², waanna wadanka 48aad ee aduunka ugu baaxadda wayn. Waxa ay leegtahay wadanka Madagascar ama Faransiiska. Wadanka intiisa badani waa dhul siman, balse badi dadku waxa ay degaan dhinaca bari ee dalka. Botswana intiisa badani waa saxaraha Kalahari, kaas oo ku fadhiya 80% dhulka wadanka Botswana. Kalahari maaha saxare aad u adag, balse waa lama degaan u eeke ay ku nool yihiin xayawaanno tiro badan. Limpopo waa wabiga ugu dheer wadanka, sidoo kale wabiga Chobe ayaa ku yaalla xuduudda waqooyi ee wadanku la wadaago Namibia, halkaas oo uu kaga darsamo wabiga kale ee Zambezi.

Waa wadan bed ahaan dhexdhexaad ah oo ay kaliya ku nool yihiin 2.2 milyan oo ruux, Botswana waa mid ka mid ah wadamada aduunka ugu cufnaanta yar dad ahaan. 227,333 ayaa ku nool caasimadda Gaborone, oo sidoo kale ah magaalada ugu wayn wadanka, tiradaas oo u dhiganta 10% dadka dalka.

Botswana waxa ku nool dad ka soo kala jeedda qoomiyaddo kala duwan waxaanna ugu wayn qoomiyadda Tswana ama Setswana oo u dhiganta 79% dadwaynaha wadanka. Sidoo kale waxa ku nool qoomiyaddaha kala ah Kalanga 11%, Basarwa 3% iyo qoomiyaddo kale oo badan oo isku noqonaya 7%.

Afka rasmiga ah ee wadanku waa Ingiriisi, balse dadka wadanka intooda badani waxa ay ku hadlaan Setswana. Sidoo kale dadka Botswana waxa ay ku hadlaan in ka badan 20 af oo qaarkood sii dhimanayaan.

60% dadka wadankani waa kiristan, 20% waa bilaa diin, inta soo hadhayna waa diimo kale oo maxali ah iyo diimaha ay haystaan ganacsatada reer Aasiya sida Hindu, Budhism IKK. Islaamku waa wax ka yar 1%.

Botswanna waxa ay ka mid ahayd wadamada aduunka ugu fiqiirsan uguna dakhliga hooseeya lixdameeyadii qarnigii tagay. Botswana waxa ay isku badashay mid ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu aadka u korayo. Ishooda dhaqaale ee ugu wayni waa dheemanka ama luulka, xoolaha gaar ahaan lo’da iyo dalxiiska. Dheemanku waxa uu soo saaraa 40% dakhliga guud ee wadanka. Botswana waxa ay dhoofisaa dheemanka, Kobarta, hilibka iyo suufka.

Botswana waa mid ka mid ah wadamada Afrika ugu dakhliga badan marka la isku qaybiyo tirada dadkeeda iyo dakhliga soo gala wadanka, waanna mid ka mid ah wadamada ugu nolosha wanaagsan Afrika. Waxa ay xubin ka tahay Ururka Midawga Afrika, Ururka Horumarinta Afrikada Koonfureed, Ururka Barwaaqo-Sooranka iyo Qaramada Midoobay.

Botswana waa mid ka mid ah wadamada ugu adeeg wanaagsan dhinaca caafimaadka, waxaanay caafimaadkeeda ku bixisaa miisaaniyad badan. Botswana waxa ay ka mid ahayd wadamadii uu sida daran u aafeeyay xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS. Tirada dhimashada xanuunkaasi waxa ay hoos u dhacday 57%, intii u dhaxaysay 2005tii ilaa 2013kii, sidoo kale waxa hoos u dhacday tirada caruurta ku dhalata xanuunka. Inkasta oo dawladdu xoojisay dawaynta bilaashka ah ee dadka uu xanuunkaasi asiibay aadna u wacyigelisay dadwaynaha, hadana xanuunku weli waa aafo ku habsatay wadankaas. 2014kii waxa la sheeggay in Botswana ay ahayd wadanka saddexaad ee AIDS-ku ugu badan yahay.

Siyaasad ahaan, dastuurka wadanka ayaa ah ka xukuma wadanka, kaas oo muwaadin kasta iyo cid kastoo wadanka degan u ilaaliya xuquuqdiisa aasaasiga ah. Wadanku waa jamhuuriyad dimuqraadi ah oo wakiilada baarlamaanku leeyahay awoodda sharci dejinta. Madaxwaynaha wadanku waa madaxa wadanka iyo madaxa hay’ada fulinta.

Botswana waxa ay ku soo dhaqmaysay mudo habka xisbiyada badan. Inkasta oo uu hal xisbi inta badan talada waddanka hayay, haddana marnaba kama uu dhicin dagaal sokeeye, inqilaab milatari iyo xasilooni darro siyaasaddeed.

Garsoorka wadanka Botswana wuu ka madax banana yahay hay’addaha kale ee dawladda sida fulinta iyo sharci dejinta. Botswana waa wadanka ugu musuqmaasuqa yar Afrika, waxaana lagu sheegaa in uu ka mid yahay waddamada ay hay’addahooda dawliga ahi sida adag u dhismeen

 686 total views