Michael Jackson waxa uu ku talo galay in uu noolaado 150 sano. Waxa guriga u joogay 12 dhakhtar, kuwaas oo si maalinle ah baadhitaan caafimaad ugu sameyn jirey. Cunto kasta oo uu quudan jirey waxa la marin shaybaadh, si loo hubiyo. Sidoo kale, 15 qof ayaa si joogto ah uga shaqayn jirey daryeelkiisa jidheed, sida jimicsigiisa iyo dhaqdhaqaaqa uu u baahan yahay. Sariirtiisa waxa ku rakibnaa qalab teknoolaji ah oo cabbira heerka ogsajiin ee uu u baahan yahay, isuna dheellitira miisaankiisa iyo sariirta.

Michael waxa hore loogu sii diyaariyey dad ugu tabaruca halbowleyaal iyo xubno kale, haddii uu u baahdo. Dadkaa laftooda ayaa lagu soo xulay tayada fayaqabkooda. Waxa uu dejiyey qorshe kasta oo suuragal ka dhiga kara in cimrigiisu 150 sano gaadho. Nasiibdarro se, dedaalladaasi waa ay guuldarraysteen!

25-kii June, 2009, waxa dhintay Michael Jackson oo 50 sano jir ahaa. Wadnihiisa oo si kedis ah shaqada u gabay ayaa geeridiisa sabab u ahaa. 12-kii dhakhtar ee ilaalinta caafimaadkiisa u xil saarraa – geeridaa kediska ah waa ay baajin kari waayeen!. 25-kii sano ee ka horreeyey maalinta uu geeriyooday, tallaabo kasta oo uu qaaday waxa uu ka horraysiiyey talo dhakhtar. Sidaas oo ay tahay, in riyadiisu sidii uu rabay xitaa wax yar u dhowaataa uma suuroobin.

Maalintii qabriga loo gelbinayey, telefiishannadii tebinayey aaskiisa waxa toos u daawanayey dad laba milyan iyo badh ka badan, waxayna ahayd tebintii ugu wakhti dheerayd. Isla maalintii uu dhintay, waxa shaqada joojiyey bogagga Wikipedia iyoTwitter – ka dib kolkii ku dhowaad hal milyan oo jeer magaciisa laga raadiyey. Michael, waxa uu si kasta ugu dedaalay in uu iska waabsho geerida, ugu dambayn se, isaga ayaa wedku iilka dhigay.

Adduunkan maaddiga ah, nolosha maaddiga ah ee ka jirta waxa ku lammaan geeri maaddi ah. Xeerka nolosha ayaa caynkaa iska ah. Bal haddaba aynu ka fekerno: maxaa qurux iyo qaayo innoo leh? Guryaha quruxda badan, baabuurta raaxada, bandhigyada farxadeed iyo waxyaabaha maaddi ahaan quruxda leh yaa aynu ku raalligelinnaa?

Arooskii u dambeeyey ee aad bilo ka hor ka qayb gashay, miyaad xusuusan kartaa cuntadii aad ka cuntay caynka ay ahayd? Maxaa aynu nolosha ugu xoogsanaynnaa sidii duurjoogta oo kale? Waa ayo cidda aynu isu daalinaynno ee aynu u shaqaynaynaa?. Bal is wayddii, naftaada, ehelkaaga ama asxaabtaada, innaba wakhti ma la qaadataa, mise xoogsi ayuun baad la xuurtoonsan tahay? Sidee aynu farxad ugu beddelan karnaa waxa aynu shaqaysanno?

Haddii feker maskaxda ku daaliso, ama aad shaqo xad-dhaaf ah qabato, waxa kugu dhici kara xanuunno aad la talax gabto. Ugu dambayn,ogow in naftaadu nasiino u qalanto; sii wakhti naftaada, haba yaraadee.  Xakamee nolosha, inta aanay iyadu ku xakamayn!

Waxa turjumay Maxamed-Haykal Muxumed Cabdi

 830 total views