TikTok waa barnaamij lagu curiyo muuqaalo oo suurto gal ka dhiga in adeegsadahu uu hees, matalaad, qoob-kaciyaar iyo cod hore u duubnaa uu muuqaal ku ladho.

Barnaamij-kan oo hore loogu yaqaanay {Musical.ly}  ayaa waxa uu hadda noqoday mid ka mid ah Barnaamijyada ugu shacbiyada iyo guusha badan aduunka. TikTok waxa uu haystaa in ka badan 500 oo million oo adeegsade{Active users} oo aduunka daafihiisa ku kala sugan waxaanu ahaa App-kii luugo soo dajinta badnaa 2019.

TikTok waxa iska leh shirkad laga leeyahay wadanka China oo magaceeda la yidhaahdo ByteDance. TikTok waxa ugub ka dhigay in uu yahay barndaamijka amaba APP-ka kaliya ee bulshadu ku xidhiidho ee china laga leeyahay  oo aduunka oo dhan caan ka noqda yeeshana shacbiyad badan.

Sida ka muuqata sasaanka baraha bulshadu ku xidhiiho dhowrkii sanaba APP ayaa soo baxa oo dib u qaabeeya sida bulshada aduuku u xidhiidho. TikTok ayaa hada hogaaminaya. Haddaba saamaynta baaxada weyn ee uu TikTok yeeshay ayaa sababtay in cadaadis badan ay shirkadaha kale ee ka ganacsada  {social media} ay saareen dawladda maraykanka si ay talaabo uga qaado, waxaana dhawaan ay dawladda maraykanku soo saartay go’aan hilfaha loogu qaadayo TikTok in laga bilaabo bisha 12/11/20 oo APP-ku dib uga shaqayn karin gayiga maraykanka hadii aan company laga leeyahay USA laga iibin.

Mudaba waxaa hada socday wadahalo ka dhexeeya TIkTok iyo shirkado ay ugu fadalo cadahay Oracle oo rabta in ay ku iibsato TikTOk lacag dhan $20Billion in shirkada TikTok ay heshiiskaa aqbali doonto waa loo badinayaa si ay gacanta ugu sii hayaan 100million ee macmiil ee sida joogtada ah u isticmaala.

 347 total views