Buugga Calaf iyo Cugasho waa taariikh cajeb leh oo ka soo bilaabantay wiil iyo gabadh dhallinyaro ah oo isku fasal jaamicadeed ahaa. Waa sannadkii 1990-kii iyo jaamicadda Lafoole, Muqdisho. Isbarashadoodu mid guud oo ardaynimo ama walaalnimo ayay ku koobnayd waagaas. Ha se ahaatee, shan sano ka dib ayay mucjisooyin dhawr ahi dhacayaan; waa marxalado qaxoontinnimo, tahriib iyo dhacdooyin qariib ah oo aan midkood hore ugu sii tashan.

Qoraha sheekadan oo ah wiilkii ardayga ahaa dhacdooyinkaa qaybta ahaa ayaa si qiiro iyo qaayaba leh innoogu warramaya. Maxamuud Ibraahim Jaamac oo “Xaaji” loo yaqaan ayaa ah qoraha iyo goobjoogaha casharkan taariikheed. Layaabku ma aha in laba qof is barteen, ka dibna xaalado jiray daraaddood waayuhu kala lumiyeen ama mar dambe ku kulmiyeen, waa se dersi weyn oo ku jira wixii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee qabriga geeyay dalkii iyo dawladdii Soomaaliya la odhan jiray.

Maxamuud, oo sheekada ku jilaya Saxardiid, iyo Saxarla Maaweel oo sooyaalkan ku wehelisa ayaa 1995-kii ku kulmay caasimadda Simbaabwi ee Harare. Saxardiid waxa uu ayaamahaa dhexda kaga jiray nasiibkiisa nolosha oo silic iyo kadeed ka koobnaa; waxa uu soo maray safar adag oo suudal ah, kaas oo uu dhawr dal oo Afrikada Bari iyo ta Koonfureed ah iskaga tallaabay. Safarkaa intii uu ku soo jiray, weliba bilowgii hore –ayuu cadaabaha ifka soo dhadhamiyay. Waxa boob iyo dhac loogu geystay Kiiniya, iyada oo jidhdil iyo tacaddi kale u dheeraa.

Maxamuud Ibraahim Jaamac ( Xaaji) – Qoraaga Buugga.

“Wed ku dila wixii aan ahayn waa waxboo kale,” waa tii hore abwaan u yidhi e, Saxardiid oo intii jab uu soo maray naf-adayg ka soo qaaday, ayay mar kale is muteen gabadh uu beri dusha sare ka calmaday. Sannado door ah oo dabaylo kulul iyo duruufo qallafsani kolba dhinac ka dhirbaaxayeen ayuu dirqi kaga nool yahay. Dabadeed, ardaynimadii iyo riyooyinkii ku lammaanaa oo uu Xamar kaga soo qaxay ayay xusuustoodii oo nooli ka daba timi. Waa casar gaaban iyo caasimadda Zimbabwe. Waxa soo hor joogsatay Saxarla oo iyaduna sallaammo dhawr ah ka soo siibatay intii qaxa iyo qaxarka lagu jiray.

Galabta ay kulmeen, Saxarli waxa ay bannaanka ku joogtay dammaanad, iyada oo sugaysay xukun maxkamadeed, ka dib kolkii madaarka Harare laga soo qabtay iyadoo ku dhoofaysa baasaboor oo Zimbabwean oo ay si farsamo ah ku heshay. Halkaas ayay silsilad dheer oo xiisaheeda iyo xanuunkeedaba lehi ka bilaabmaysaa. Suudal kale iyo safar halis badan ayay labadii dhallinyarada ahaa ee shanta sano is moogganaa wada gelayaan. Waa Saxarla oo xabsi ay dal shisheeye ku geli lahayd ka cararaysa, iyo Saxardiid oo suudalka iyo saymihiisa dheef ka dhex raadin jiray muddo sannado ah. Waxa ay u jihaysteen Koonfur Afrika; waa safarkan dhexdiisa meesha obocda sheekadooda shaamareerka ahi taallaa.

Qisada buuggan oo aan male-awaal ama mid la allifay ahayn, ayaa halkan inna gaga ridaysa waddo weyn oo dusha innaga daawadsiinaysa waxyaabihii ka dhashay dagaalkii lagaga hor yimi taliskii askarta ee Maxamed Siyaad. Dalka burburay iyo dadkiisa bayhoofay ee dacallada dunida u kala firxaday wixii ay mareen ama kala muteen ayaa ah cashar weyn oo buuggani inna barayo. Xilliyada culaysku jiro ee ciirsi la is bido sida la isu caawiyo, ama la isu cabiidsado; caadooyinka maguuraanka ah bulshada Soomaalidu asalka u leedahay, sida ilaalinta maganta, ammaanada iyo is-taakulayntu macnaha ay qofka dhibban u leeyihiin – ayaa ka mid ah waxyaabaha waaweyn ee buuggani inna dareensiinayo.

Qoraa Maxamuud Ibraahim Jaamac waxa uu buuggan kaga warramay dhawr dhacdo oo noloshiisa saamayn lama-illaawaan ah ku yeeshay. Si dhacdooyinkaas aynu ula dareennana, waxa uu horteenna keenay markhaatidii u marag furi lahaa. Waxa dhacdooyinkaas ka mid ah ta uu u bixiyay Hanad-Yarihii Gobta Ahaa.

Waa Ciiddii Fidriga ee sannadkii 1995-kii. Maxamuud iyo xer uu ku jiro oo si dhuumaalaysi ah u tahriibaya ayaa ku soo hoyanaya magaalo loo dalxiiso [looguna sheegay in qaadka laga beero, digtoor Soomaali ah xarun u ah] oo Masvingo la yidhaahdo. Ragga ay wada socdeen waxa ka mid ah Alle ha u naxariistee macallin/suxufi Cabdiweli Faarax Jaambiir. Masvingo waxa ay u dhow dahay Great Zimbabwe Ruins oo ah goob dalxiis oo Koonfurta Simbaabwi ku taal. Waxa halkaa deggan kana shaqeeya dhakhtar Soomaali ah oo degaan ahaan reer Hargeysa ah, Dr Cali Axmed Furre. Digtoorku waxa uu ka shaqaynayay cusbitaal degaanka ku yaal, waxaana la degganaa xaaskiisa oo Jarmal ahayd iyo wiil yar oo uu dhalay (Hanad-Yare) oo toddaba sano jir ahaa markaa.

Sida uu qoraagu buugga kaga warramay, digtoorku nimankaa socotada ahaa aad ayuu canaantay, isaga oo la yaabbanaa farsamo xumada iyo sida haqablaha iyo jiho la’aanta ah ee ay iskaga socdeen. Canaantaasi nimankii suudaalka ahaa waa ay u cuntami weyday, ugu yaraanna wax aan daw ahayn iyo xadudub ayay u arkeen. Halkaas ayay xurgufi ka dhalatay oo ay cadho kaga hulleeleen goob ay u soo beegsadeen in cid arxan ay ka filayeen joogtay. Kolkii ay ka dhaqaaqeen hoygii digtoorka, ayuu wiilkiisii yaraa, Hanad-Yare, ka soo daba dhaqaaqay. Nimankii waa u qaadan waayeen! Hanad oo hooyo reer Yurub ahi dhashay, weligiina aan arkin Soomaali deggan iyo mid qaxaysa toonna, ayaa habeenkaa aabbihii ku qasbay in uu nimanka martigeliyo. Sidii ayay guriga dhakhtarka ugu hoydeen, Maxamuud laftiisa oo xanuun hayayna dhakhtar irbado kaarkii xanuunka ka jebisay ugu muday.

Qisada halkan ku jirta qoraagu waxa uu ku sidkay raadin socotay 26 sano, oo ugu dambayn suurtagelisay Hanad-Yarihii isaga oo dhallaan ah miciinka u noqday in ay kulmaan sannadkii 2021-ki. Waa isla buuggan la daabacay.

Qormadan oo aan ahayn faallo buugga ku saabsan, balse ah warbixin dulmar ah, waxa igu kellifay xiisaha buuggani leeyahay, dhacdooyinka uu xambaarsan yahay oo ah ku dhab u dhacay, natiijooyin macaan iyo qadhaadh isugu jirana ku dambeeyay.

Qiimayntayda, buuggani, dhinac kasta oo laga eego, waxa uu ka mid yahay ama ugu horreeyaa  maktabadda Soomaaliyeed dhiganeyaasha dhowaanahan soo galay kuwa ugu xiisaha badan.

Magaca iyo jeldiga buugga, oo bixinaya sawir sheeko [jacayl ah] – sida ay doonto ha u dhacdee ayaa wax aan ku dhalliili karo iiga muuqday buuggan. Sababta aan intaa ugu dhalliilayaana waa in mucda iyo farriinta uu buuggu sidaa aad sawirkiisa iyo magaciisa aad uga mug weyn yihiin.

Saaxiibkay Cabdinaasir Axmed Hangagaar oo dadkii ugu hor akhriyay buugga ah ayaa markii koowaad ii farmuuqay, aadna iigu dhiirriyay in aan wax ka idhaahdo.

Ugu dambayn, waxa aan aad ugu mahad naqayaa qoraha buugga, Maxamuud Ibraahim Jaamac “Xaaji” oo si heer sarraysa xil isa ga saaray qorista buuggan, isla mar ahaantaana ifka u soo saaray isaga oo saxar tiran, farsamo ahaanna tayo iyo qurux qoraal koobsaday.

Buuggani akhris keli ah ma mudna, ee waa cashar iyo muraayad hummaag-celis (reflection) ah oo wax badan oo Soomaalidu soo martay laga dhex arki karo.

Maxamed-Haykal

 1,384 total views