Waa laba qabiil oo dheegga isku haya.Caadada Afrikaanka ayay malaha tahay, laba qabiil oo kasta oo isku ood xiga, ha ahaadeen kuwo dhalasho ahaan isu dhow amma kuwo kale dheere, xurguf iyo xanafiin ay u dhexayso.Dhaqankaasi waa mid khilaafsan dabeecadda waajibka ku ah cid kasta oo jaar ah, dabeecaddaas oo qaayo u yeelaysa wada noolaanshaha iyo is-xurmaynta jaarka. Diinta Islaamku, jaarka xaqiisa aad ayey u weynaysay. Sidoo kale, dhaqankii suubbanaa ee Nebi Muxamad (NNKH), waxa astaan u ahaa ilaalinta iyo wanaajinta jaarka.Haddaba, Soomaaliduba ha ugu horrayso e, bulshooyinka caado ahaan dagaal-u-joogga ah ee –dhexdooda samuhu ku yar yahay –dhaqankaasi tixgelin muuqata agtooda kuma laha.Dunida kale ee maanta ilbaxnimada sheegata, heer bulsho illaa heer dawladeed, jaararku aad ayey isu xaqdhawraan. Qaaciido waa tii ahayd: jaarkaaga ma dooran kartid, ha ahaatee sida aad ula dhaqmayso waa aad dooran kartaa.

Wax kastaa haddaba sabab ha u noqdeene, labadan qabiil colaad gaamurtay ayaa u dhexaysey. Labaduba, waa beeraley iyo xoolodhaqato. Wax ay wadaagaan dhul-daaqsimeedka oo xoolahooda ayaa is gaadha. Wax ay wadaagaan biyaha oo ceelasha ayey ka wada cabbaan, siyaabo badanna noloshooda ayaa isugu eeg isuguna milan. Marar door ah ayaa labada qabiil dagaal dhex maray oo warmahooda ayaa is dhaafay. Haddii sinaba lagu kala tegi waayay, beri damde ayay heshiis galeen.Waa heshiis dani badday oo waayihii colaadeed ee dhexdoodu ku qasbay. Wax ay isla qaateen: ceelka biyaha ee deegaanka xurguftooda xuddunta ah ku yaalla in ay miila-qayb ku wadaagaan. Waa in qolaba gelin ka cabto, sidaana lagu wada ilaashado.

Woxogaa haddii heshiisku socday, labadii qolo midkood ayaa dareentay in ay heshiiska ku hawiran yihiin oo laga xaq badsaday.Waa qoladii gelinka dambe ceelka ka cabbi jirtey.Arrintii cabasho ayaa ay ka muujiyeen, ha yeeshee dhinacii kale dheg uma dhigin. Meesha kolkaa sow colaad hor lihi kama soo jeeddo? Wax la isku taagnaadaba, saansaan colaadeed ayaa geyigii ka bilaabantay. Hub-urursi iyo diyaargarow dagaal ayaa labada dhanba laga dareemay. Labada qabiil midkood, weliba kan sedbursiga loo tirinayay, awood ciidan ahaan aad ayuu u diyaarsanaa ugana col iyo hub badnaa dhinaca kale.

Dhinacii kale sow kolkaa talo uma taallo illeen dagaal la huri maayee? Sow ma aha in ay jilibdhig u yeeshaan duullaanka ku iman kara amma helaan gurmad kale oo xoojiya? Talo uu hoggaamiyahoodii gaadhay ayaa ahayd: in tolka ood ahaan iyo xigto ahaanba ugu dhow ee dhanka colka mooyee dhanka kale ka jira gurmad laga dalbo. Sidii ayaa la yeelay. Gurmadkii iyo gacantii toleed in la siin doono, laguna soo simi doono ka hor inta aan fallaadhuhu isdhaafin ayaa loo ballanqaaday.

Qabiilkii gurmadka sugayay, intii madadku soo gaadhayay waa is-xakameeyeen oo iska dhawreen in ay galaan dagaal aanay natiijadiisa hubin.Dharaartii uu gurmadkaasi gelineeda dambe ku soo aaddanaa, ayuu hoggaamiyihii qabiilku tashi hoose gaadhay.Waa tashi duunkiisa uun ka yimiye aanu cid la wadaagin. Wax uu talo ku goostay; labada ciidan meesha ay isku hor fadhiyaan in uu dhexdeeda istaago, kolkaana u dhawaaqo colka ka soo hor jeeda, isagoo u sheegaya in uu socod nabad ah ugu iman doono. Labadii dhinac ee uu midkood hoggaaminayay ayaa tallaabadaa la yaabay.

Hoggaamiyihii dhaqaaq.Waa kaa colkii kale fadhiisinkooda ugu tegay.Waa ka codsaday in hoggaamiyahoodu u soo baxo.Waa ka u soo baxay.Waa ka la hadlay ujeeddada socodkiisana u sheegay. Waa ka ku yidhi: “hoggaamiye geesi ah baad tahay, geesinnimadaaduna waa mid geyigu marag ka yahay. Colka xooggan leh ayaad hoggaamiye u tahay. Sidoo kale, wax aad tahay nin dagaalyahan ah oo goobaha rag isku haleelo wacdaro beryo laga sheekeeyo ka geysta. Aniguna sidoo kale, wax aan ahay hoggaamiye iyo dagaalyahan tolkiisu ku dhaato.haddaba, colaad dhexdeenna ah kolley huri mayno e, bal ka warran haddii aynu labadeennu dhoollatus dagaal iyo wilwilarogad dheelno?” 

Hoggaamiyihii baradiisa loogu yimi ayaa geesinnimadii loo qiray iyo ninkan colkiisa dhex jooga ee dhoollatuska ka codsaday u riyaaqay.Arrintii ayuu oggolaaday. Inyar dabadeed, hoggaamiyihii socodka ku yimi ayaa ku yidhi: “adigu innoo biloow dhoollatuska, oo adiga oo hubkaagu kuu idil yahay faraskaaga ku bood, aniguna waan kugu xigi.” La yeel sidii. Hoggaamiyihii loo yimi ayaa faras baxdaw ah oo uu leeyahay ku booday.Qalabkiisii dagaal ayuu qaababkii dagaal ee uu u qabsan jiray u qaatay.Faraskii ayuu nadiga ku xagay oo kolba dhan u cayntaariyay. Cirka sare ayuu kol u boodsiiyay, kolkaas ayaa leexo isgoysay isaga iyo faraskiisaba marar qarisay. Wacdaro yaab leh, iyo xeelado dagaal oo amankaag naflaha gelinaya ayuu soo bandhigay.

Haddiiba uu dhammaystay dhoollatuskiisii, hoggaamiyihii socodka ku yimi ayaa isna faraskiisa nadiga ku aguugay. Faraskii baa sida baalleeyda hawo dhexe la heehaabay. Dhulka ayuu cagaha soo dhigay mise haddana garmaameeyay.Sidoo oo kale ayuu kolba dhan u toociyay.Iyadoo isagana sidaa loo daawanayo, ayuu hal mar ku soo dhowaaday hoggaamiyihii uu martida u ahaa.

Isha ayuu si fiican uga buuxsaday. Wax uu arkay; hoggaamiyaha oo colkiisu hareero fadhiyaan, indhihiisuna ku maqan yihiin carbiska dagaal ee uu isagu ku shuqlan yahay. Waa tashi uu hore u gaadhaye, magli uu gacanta midig ku haystay ayuu si ka-gaadhsiis ah oo lama filaan ah hal mar ugu halgaaday hoggaamiyihii uu soo booqday! Magligii ayaa xundhurta ka haleelay dhabarkana si fudud uga dusay. Wax aan il bidhiqsigeed ahayn ayuu mid labaad ku ganay oo beerka kaga joojiyay. Hoggaamiyihii la dagay ee warmuhu ku kulmeen oo ahaa dagaalyahan bidixle ah, ayaa bidixdiisa waran ku tiigsaday. Wuu soo ganay oo is yidhi ninku ku dilye is axan oo adna mar ka gaadhsii. Gaashaankii uu sitay hoggaamiyaha socodka ku yimi ayuu iskaga dhigay oo dhinac iska mariyay warankii naflacaarigu soo tuuray.

Maxaa xigay?Hoggaamiyihii la dhagray oo dhulka ku hoobtay afkana ciidda daray.Waxa xigay muxuu ahaa?Naftii oo ka majuurtaysay ayuu ahaa. Kolkii uu intaa hubsaday ayuu qaylo kor u yeedhay oo colkiisii ku yidhi: KU SOO KACAAY! Guutooyin caga madow ah, oo gurmadkii uu sugayayna ku jiro iyo colkii uu mooradooda joogay ayaa is galay. warmaha ayaa la isu nacay oo la iska dhergiyay. Maalintaa, colkii hoggaamiyahoodii dagaalyahanka ahaa lagu hor dhagray ayaa la jebiyay oo guuldarro dhaxal badan seejisay la baday.Goortii la kala calaf qaaday ee labadii col midkiisii guulaystay, ayuu hoggaamiyihii gabay dhaadasho ah tiriyay. Waxa uu ku tiiqtiiqsaday, sida uu u galay ninkii maantaa ka hor taariikhdu u haysay dagaalyahanka aan waaban ee tab iyo toog-wajaha ah. Waa ninkii uu dilay iyo colkiisii. Gabaygiisii guusha ee uu ku dhaatay waxa uu ku yidhi:

Xalay gelindhexaadkii miyaan gogosha soo laabay

Gurxanka iyo gooraanka iyo goohii iga yeedhay

Hanqadh geedalaaye ah miyaa laabta iga guuxay

Ogaadeen Galduur iyo hadduu webi ka soo gaasay

Meeshiyo Garloogubay hadduu galawgu eedaamay

Guntadayeey haddaan khayligii labada naas geeyay

Asaan Weyrax nadigii gashoo gucummo aar yeeshay

Gaaladii ka goor iyo goor riibin nagu goysay

Guray maalintaan dilay colkeed inu go’aan sheegtay[1]

Golyaay maalintaan idhi darkii in ay gashaan sheegtay;

Meeshaan ka geyllamay dadkii in uu go’aan sheegtay

Garbidaan ku tiirsaday rag inu garab maraan sheegtay

Geeraarshe dheer iyo dagaal waran-galaan sheegtay

Gacan iyo in geed laga hadliyo gobonnimaan sheegtay!

Labada qabiil ee dhacdooyinka ay tani ka midka tahay dhex martay wax ay ahaayeen qabiil ka tirsan qoomiyadda Oromada (Gaalo-waranleey), iyo qabiilka Soomaaliyeed ee Bartiraha oo tol kale oo Soomaaliyeed gurmad ugu yimi. Goobta maalintaa foodda la isku darayna wax ay ahayd banka Jigjiga oo ammintaa wixii ka dambeeyay Soomaalidu ay u hadhay. Ninkii wacqadaa dhigaynayna wax uu ahaa:

Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiilwaal).

Siyaabo isku dhowdhow ayaa taariikhdan loo weriyaa, qayb halkan ka mid ahna wax aan ka soo xigtay barnaamijka dhaqanka iyo hiddaha ee idaacadda VOA uu ka tebiyo Axmed Faarax Cali “Idaajaa”

[i]

WQ: Maxamed M. Cabdi “Haykal”

Guray: hoggaamiyihii qabiilka Gaalawaranleey ee Oromada, hoggaamiyahaas oo ahaa kii uu Garaad Wiilwaal dhagray.

 639 total views