“Doorashadaydu aabbahay ima ay nacsiin, ee waxa I nacsiiyey sidii uu noola dhaqmay… niyad ahaan waxa aan jeclaan lahaa in aabbahay uu tusaale wanaagsan hanaqaadkayga u noqdo, oo aan ku hirto wanaaggiisa, laakiin debcigii horornimada ahaa ee aan ku arkay waxa uu iga gooyey dareen kasta oo igu riixi lahaa jacayl waalid oo aan u qaado. Marnaba ma illaawi karo ilmadii hooyaday habeenka iyo dharaarta dhabankeeda dareeraysay…mar kasta oo aan xusuusto sidii uu hooyaday uga oohiyayna nacayb hor leh ayaan aabbahay u sii qaadaa!”
Cawo waa 21 jir. Waxa ay ku dhalatay magaalada Sheffield ee woqooyiga England. Cawo labadeeda waalid waxa ay horraantii sagaashameeyadii isku guursadeen magaalada Diridhaba. Cawo, waxa ay garaadsatay hooyadeed Hodan oo la daalaadhacaysa nolosha qoyskooda. Sida ay sheegtay, aabbaheed A. D. Faahiye, inta badan guriga qoyska waa uu ka maqnaan jirey, marka uu yimaaddana waxa bilaabmi jirey muran iyo dagaal u dhexeeya isaga iyo hooyadeed.
Mar ay Cawo da’deedu ahayd lix sano jir, galab ay qorrax diirrani jirtey, waxa iyada walaalkeeda ka yar iskuulka soo kaxaysay hooyadeed. Maalintan, Cawo waxa ay ku faraxsanayd ballan ay hore u qaadday hooyo Hodan, taas oo ahayd in ay u kaxayn doonto meel carruurtu ku ciyaarto (playground). Cawo oo sugi kari la’ tegista goobta ciyaarta, ayaa aragtay ilmo dhabanka hooyadeed ka dareeraysa! Inta ay naxday, ayay hooyadeed wayddiisay waxa helay. Hooyo Hodan, oo aan rabin waxa illinta ka keenay in ay Cawo ogaato, ayaa u sheegtay in madaxu aad u xanuunayo –iyada oo sida oo kale ka codsatay inanteeda [Cawo] – in ay maalin kale u dhigato ciyaarta, maadaama ay ku adag tahay in ay u fuliso ballantii ay hore ugu qaadday. Cawo, iyada oo aan ku faraxsanayn in ay ka baaqato goobtii ay ku soo ciyaari lahayd, ayay haddana aqbashay codsiga hooyadeed.
Kolkii ay guriga yimaaddeen, hooyo Hodan waxa ay Cawo iyo walaalkeed ka codsatay in ay sanqadha yareeyaan, sababtuna waxa ay ahayd in aabbahood hurday. Laakiin codsiga ah in ay sanqadha yareeyaan Cawo ma ay jeclaysan, waxa aanay hooyadeed wayddiisatay in ay aabbaheed toosiso, si uu isagu geeyo goobtii ay ku soo ciyaari lahayd. Cawo iyo hooyadeed oo weli wada hadlaya, hooyo Hodanna ku dedaalayso in ay hadalka hoos u dhigto, ayuu aabbaheed soo kacay. Wejigiisa oo aanay dhawr toddobaad arkin ayay jalleecday. In ay dhankiisa dhaqaaqdo oo dareen waalidnimo ugu dhowaato ayay damacday, ha yeeshee daymo kulul oo ay ka didday ayay kala kulantay.
Sida ay Cawo ku warrantay, aabbaheed weligii ciyaar iyo meel kale toonna uma kaxayn, galabtanna kama aragto wax danayn ah. Waxa keliya ay galabtaa aabbaheed ka xusuusata waxa uu ahaa qaylo iyo cagajuglayn uu sariirta kala soo kacay, isaga oo ka cadhaysnaa in sanqadhoodu hurdada ka carsharcarshaysay.
Cabbaar ayay qayladaasi guriga ka oognayd, iyada oo hooyo Hodan iyo labadeeda carruur ahiba cabsi la aammuseen. Nasiibwanaag, jewigaa cabsiyeed waxa ay ka baxeen kolkii uu fiidnimadii guriga ka baxay, isaga oo aan cidna u sheegin meesha uu aadayo. Goortan ayay Cawo su’aalo darandoorri ah hooyadeed isu daba dhigtay; waxa ay wayddiisay sababta aabbaheed mar kasta u xanaaqsan yahay, sababta aanu maalin keli ah iskuulka u geyn ama ciyaar ugu kaxayn iyo sababta isaga oo muddo maqnaa dagaalka iyo qaylada ugula sarwacay. Wayddiimahaa miiggan ee ka yimi Cawo maskaxdeeda curdanka ah, hooyo Hodan wax jawaab ah waa ay u weyday, waxa aanay kaga gaabsatay in madaxu aad u xanuunayo oo aanay ammintaas ka qancin karin.
Casho fudud iyo caweys kooban dabadii, Cawo iyo walaalkeeda ka yari qolkooda hurdada ayay seexdeen. Hase ahaatee, goor saqdii dhexe ee habeennimo ah, ayay Cawo ku toostay qaylo iyo sawaxan qolka fadhiga ka oogan. Si tartiib ah ayay jaranjarta uga soo degtay. Irridda qolka fadhiga kolka ay wax yar u soo jirto ayay maqashay jabaq ka nixisay, taas oo u muuqatay jug gacan-ka-hadal ah oo hooyadeed ku dhacday. Naxdintii dib ulama ay noqone, qolkii fadhiga oo nalkiisu daaran yahay ayay soo gashay. Markiiba waxa aragtay hooyadeed oo dhulka jiifta iyo aabbaheed oo gacanta ku haysta walax ay caddayn kari weyday in ay mindi ahayd iyo wax kale in ay ahayd, taas oo sida muuqata uu ku hatigayey ama ku halgaadayey hooyadeed. “Maya aabbo, ha dilin hooyaday!” Cawo ayaa kor ugu qaylisay.
Walaxdii uu gacanta ku haystay inta uu shaadhkiisa ku hoos qariyey ayuu hanjabaad kula soo jeestay Cawo. “Orod qolkaaga ku noqo oo seexo, waad edeb daran tahaye,” ayuu yidhi. Cawo ayaa inta ay ooyday, aabbaheed ka codsatay in aanu hooyadeed ka dilin. Hooyo Hodan oo markii ay Cawo aragtayba degdeg isugu dirqiday in ay sarakacdo, ayaa inanteeda u sheegtay in aanay dhibi jirin, sidii aabbaheed si ka debecsanna u fartay in ay qolkeeda ku laabato.
Cawo waa ay labaatay, balse hurdo dambe kuma ay laaban. Habeenka niskiisii dambe oo dhan waxa ay dhegta u taagaysay dhawaaq dambe in uu qolka hoose ka soo yeedho, iyada oo aad uga werwersanayd dhibta uu aabbaheed u geysan karo hooyadeed. Qiyaastii, isaga oo dareensanaa in ay Cawo soo jeeddo ayaa sabab u ahayd in aan muran ama dagaal dambe habeenkaa guriga ka dhicin.
Aroortii xigtey, Cawo iyo walaalkeed waxa iskuulka geysay hooyadood. Sidii shalay oo kale, ayay markanna su’aalo culculus hor dhigtay hooyadeed; waxa ay wayddiisay waxa xalay dhacay iyo in aabbaheed nabar ama dhaawac u geystay; sidoo kale sababta uu goor kasta u cadhaysan iyo sababta aanu maalin keli ah uga farxin ama ula farxin iyo wayddiimo kale oo garaadkeeda ku sinnaa. Wayddiimahaas badankooda hooyo Hodan waxa ay uga jawaabtay hab laabqaboojis ah, iyada oo inanteeda u sheegtay in aanu waxyeello u geysan iyo in odaygu iska yara kulul yahay yahay balse aanay wax weyni jirin.
Cawo oo aan hurdo ku filan xalay ledin ayaa fasalkeeda oo ahaa sannadka labaad ee iskuulka fadhiisatay. Dareen cabsiyeed iyo walwal ayaa ku jirey. Cidda ay cabsida weyn ka qabtaa waa aabbaheed, qofka ay bedqabkiisa aad uga werwersan tahayna waa hooyadeed. Isla gelinkii hore ee maalintaas, gabadh ka mid ahayd macallimiinta Cawo ayaa dareen sakati lehi ka galay xaaladda ay Cawo-yar ku sugnayd. Inta ay gaar ula baxday ayay su’aalo yoolbaadh ah wayddiisay. Xoogaa ayay Cawo is adkaysay, sidii hooyadeed oo kalena ku celcelisay in aanay wax weyni jirin iyo in hooyadeed iyo aabbaheed shalay iyo xalay isku yara qayliyeen.
Tuhun weyn ayaa macallimaddii galay, waxa aanay ku dedaashay in ay si xeel fog xog intaa dhaafsiisan uga soo saarto Cawo.
Cabbaar ka dib, qayladii ay shalay iyo xalay maqashay, iyo qolka fadhiga kolkii ay soo gashay xalay wixii ay aragtay ayay faahfaahisay. Halkaa kolka ay xaajo marayso, waxa ay macallimaddii talo ugu noqotay maammulkii iskuulka ee iyada ka sarreeyay.
Maammulkii iskuulku waxa uu go’aansaday – inta aan la gaadhin xilliga carruurtu iskuulka ka rawaxayso – in la waco Cawo hooyadeed. Sidii ayay yeeleen, hooyo Hodanna waa ay timi. Judhiiba, waraysi iyo waxyaabaha guriga ka dhacay saacadihii u dambeeyey ayaa laga waraystay. Hooyo Hodan, sidii ay Cawo wax ugu sheegi jirtey oo kale, maammulkii iskuula waxa ay u sheegtay in aan wax dhib ahi gurigeeda ka jirin, haddii laga tegi waayana muran iyo wax la jiraa marar dhex mareen iyada iyo saygeeda.
Si kastaba ha ahaatee, macallimaddii Cawo waraysatay ayaa dhinac kale Hodan wax ka tustay; waxa ay u sheegtay – in ay muhiim tahay si daacad ah in ay uga warranto dhibta haysata, si loo caawiyo. Haddii ay taasi dhici weydo, in aan loo oggolaan doonin labadeeda carruur ahi in ay ku laabtaan guri cabsiyi ka jirto ayaa lagu wargeliyey. Hooyo Hodan, jeerkan ayay xejin kari weyday dareen xaddigiisu buuraha ka culus yahay oo muddo ay la cabbudhsanayd, waxa aana ka warrantay dhibaato joogto ah oo ninkeedu ku hayo.
Waxa ay maammulkii iskuulka u sheegtay in ay nafteeda iyo ta carruurteedaba uga cabsi qabto waxyeello in uu u geysto… waxa kale oo ay faahfaahisay jugo iyo nabarro jidhkeeda ku yaal uu hore u gaadhsiiyey… sidoo kale in uu ugu hanjabay in uu qudha ka jari doono, goor ay ahaataba.
Daqiiqado kooban gudahood, maammulkii iskuulka waxa ay wargeliyeen booliska, iyaga ka dalbaday in ay tallaabo degdeg ah qaadaan, si ay khatar uga badbaadiyaan nolosha Hodan iyo carruurteeda. Booliskuna, iyaga oo hawshooda gudanaya, waxa ay markiiba toos u tegeen gurigii qoyska. Isaga warmoog ahaa, halkii uu xalay seexdana jiifa ayuu garaacista albaabka ku soo kacay. Qaar askartii ka mid ahaa markiiba su’aalo ku boobay, kuwo kalena waxa ay baadhitaan ugu dhaqaaqeen guriga gudihiisa, gaar ahaan meeshii uu jiifay iyo agabkii u dhowaa. Barkintii uu madaxa ku hayey hoosteeda waxa ay ka soo saareen mindi cabbirkeedu laba taako ku dhow yahay; waa mindidii ay Cawo xalay aragtay. Ugu dambayn, waxa ay u kaxeeyeen saldhig boolis, si su’aalo dheeraad ah loo wayddiiyo. Saacad in ka badan oo boolisku waraysanayey ka dib, waxa loo sheegay in uu baadhitaan ku socdo, waxaana lagu amray in aanu guriga qoyska ka ag wareegi karin, haddii uu amarkaa jebiyana in sharciga la marsiin doono.
*
Muddo sannado ah ka dib, ugu yaraan, waa habeenkii u horreeyey ee Hodan ay dareemayso in ninkii cabsida ku hayey aanu guriga u soo hoyanayn. Culayskaa ka yara fududaaday ayaa sababay in ay goor hore iyada iyo labadeeda carruur ahi seexdaan. Laakiin hurdadaasi xasilloonidii ay ku bilaabantay ku ma ay dhammaan.
Waa saxdii dhexe iyo habeen kale oo hurdada laga argagixiyey. Ninkii boolisku uga digay in uu guriga yimaaddo ayaa fure uu haystay albaabka iskaga soo furay. Hodan oo nabdiga ka soo jeedday ayaa markiiba ku naxday soogelistiisii. Habeenkaas, si ka duwan habeennadii hore, Hodan waxa ay degdeg u wacday telefoonka booliska, balse iyada oo aan weli loo jawaabin ayuu sidii shabeel weyraxsan ugu soo booday. Hodan oo intii itaalkeedu ahaa isdifaac la xarbiyaysa ayaa qaylo ka toshay. Qayladii ayay Cawo iyo walaalkeed ku saseen. Cawo ayaa soo carartay, waxaanay intii tabarteedu ahayd isku dayday in ay hooyadeed wax ka difaacdo, iyada oo xagtin iyo qaniinyo ku bilowday aabbaheed oo in uu dhagar geysto u dhow. Intii dagaalkaasi socday waxa khadka ku jirey gurmad degdeg ahna soo diray waaxda booliska ee xaafadda ay degganaayeen.
Boolisku waxa ay yimaaddeen Hodan oo dhaawacyo dhawr ahi gaadheen. Dhaawacyadaa waxa u darnaa mindi kalxanta ka gashay iyo gacanta midig oo nabar fududi kaga dhacay. Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyadaas Hodan waa ay ka kacday kana kabatay.
Dhinaca kale, boolisku habeenkaa waxa ay faldembiyeed uu gacanta kula jirey ku qabteen ninkii ay Hodan u dhaxday. Sidaas ayaa lagu xidhay, laguna maxkamadeeyey. Waxa lagu helay saddex dembi oo kala ah weerar qorshaysan oo ka dhan ah qof dhiblaawe ah, iskuday dil iyo dhaawac-gaadhsiin dhibbane. Ugu dambayn, maxkamaddu waxa ay ku xukuntay toban sano oo xabsi ah, sidaas ayaana gaalshiraha loogu dhaadhiciyey.
*
Cawo muddo sannado ah waxa ay la galluubnayd riiqda ay dhacdooyinkaa is xigey ku reebeen. Waxa ay dareen murugo leh ka qaadday sababta aabbaheed arxandarrada ugula dhaqmay qoyskooda, gaar ahaan hooyadeed, sannadihii ay taageeradiisa baahida weyn u qabeen. Iyada xusuustaa ka hadlaysa waxa ay tidhi: “doorashadaydu aabbahay ima ay nacsiin, ee waxa I nacsiiyey ficilladii uu nagula dhaqmay iyo dhibaatadii uu hooyaday u geystay. Niyad ahaan waxa aan jeclaan lahaa in aabbahay uu tusaale wanaagsan hanaqaadkayga u noqdo, oo aan ku hirto wanaaggiisa, laakiin debcigii horornimada ahaa ee aan ku arkay waxa uu iga gooyey dareen kasta oo igu riixi lahaa jacayl waalid oo aan u qaado. Marnaba ma illaawi karo ilmadii hooyaday habeenka iyo dharaarta dhabankeeda dareeraysay, iyo hantaaqada aanay mudnayn ee uu gaadhsiiyey. Mar kasta oo aan xusuusto sidii uu hooyaday uga oohiyey, nacayb hor leh ayaan aabbahay u sii qaadaa!”
*
Hodan iyo labadeeda carruur ah oo ay korintooda xil weyn iska saartay waxa ay hadda ku nool yihiin London, waxa aanay ku wada nool yihiin nolol bilaa cabsi ah. Hodan hadda meherad ganacsi ayay haysataa, Cawo iyo walaalkeedna ay dhowaan bilaabeen jaamicad.
Maxamed M. Cabdi “Haykal”

 791 total views