Waa markii u horraysay ee wasiirku uu booqdo degmadii uu u dhashay. Booqashada wasiirka iyo xiisihii ay lahayd inta aanan u gelin, xasuus hore aynu ku yara noqonno. Waa uun isla shaqada wasiirradu qabtaan. Malaha waa xilligii xukuumaddii askarta ee Maxamed Siyaad Barre e, waxa la daaray oo idaacaddu baahinaysaa hees waxqabadka wasiirrada ka hadlaysa. Waa heestii ahayd:

Waajib weeye;
Wasiir waliba,
Wasaaraddiisa,
Waxqabadkeeda,
In uu sheego!

Oo ma hees baa, mise waa hadal iska caadi ah oo birqalax loo tumay?! Wax ay tahayba, hees ayay ku diiwaangashanayd.
Booqashada maanta ee wasiirku mid laga sii war la’aa ma ahayn. Wax ay ahayd mid la sii ogaa oo aad loo sugayay. Oo maxaa loo sugi waayay sow wasiir degmadiisii imanaya ma aha?!
Wasiirkani waxa uu ka mid yahay ragga ugu tunka roon wasiirrada hadda xilalka haya. Waa nin aqoonyahan ah oo qurbaha in badan ku maqnaa. Aqoontiisu heerka ay gaadhsiisan tahay cid waliba waa ay og tahay. Xitaa ‘Google’ haddii aad magaciisa oo saddexan ku qorto, sawirkiisa oo suudh iyo tay xidhan ayuu ku tusayaa. Wasiirku afka Ingiriisada sida uu ugu hadlo waa ay yar yihiin wasiirrada ugu hadlaa. Sidoo kale, tayga sida uu u xidho, iyo sida uu suudhka ugu soo baxo Malcom X ayaad mooddaa! Wasiirku badanaa waxa kale oo uu gashadaa muraayad (okiyaale) madow. Dhanka xarragada iyo golejoogga wax uu ka mid yahay wasiirrada ugu bilan. Bilicda golejooggiisa waxa ka qaybqaata reerka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, oo aad u laf dhaadheer. Haa, waa reer joog ahaan dhaadheer, oo nin ii adeer ahba waxa lagu magacaabaa “Dhaadheere”.
Wasiirku kolkii xilka loo magacaabay waxa uu joogay qurbaha, halkaas, oo waxa uu ka qaban jirey cidina aanay ogayn. Sida aan hore u xusay, wasiirku waa aqoonyahan, aqoontiisa barashana aqoon guud ayaa u raacda. Waa nin dhaqanka iyo reerahaba aad u kala yaqaanna. Maanta, xilliga uu na soo booqday, degmada abaar yar ayaa ka jirta, oo jiilaal horraantii ayaa la joogaa. Dhulka intiisa badani waa omos, oo baabuurtii wasiirka iyo waftigiisu wateen waa kuwaa boodhku saaran yahay. Wasiirka soodhoweyn aad u heersarraysa ayaa lagu qaabbilay kolkii uu degmada yimi. Dadka wasiirka soo dhoweeyay aad ayaa ay u tiro badnaayeen, waxaana ugu sii tiro badnaa kuwii isaga la socday, iyo kuwii uu hore u soo diray si ay u soo dhoweeyaan.
Booqashadiisa maalin ka hor, wasiirku waxa uu la kulmay dhallinyaro reerka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen munaasibadda soodhoweyntiisa ee degmada. Dhallintaasi, wasiirka waxa ay ka soo qaadeen woxogaa kharash ah, si loogu soo dhoweeyo. Waxa cajiib ahayd; wasiirku sidii –qaayaha lahayd ee uu uga mahadceliyay soodhoweyntii loo sameeyay.

Gaadhiga kolkii uu ka soo degay calammo iyo caleemo qoyan ayaa loo ruxayay, isaguna salaan gacanqaad ah ayaa uu si safmar ah ugu idleeyay shacabkii soo dhoweeyay. Kamarado iyo warfidiyeenno tiifiiyo – kala duwan ka socday, oo xafladda soodhoweynta ah duubayay ayaa hareero yaacayay. Maadaama ay jiilaal iska ahayd, wasiirka waxyaabihii lagu sooryeeyay waxa ka mid ahaa caano yar oo la isu gee geeyay, badankoodna laga soo lisay hal dhaqayo ah oo ay leeyihiin qoys agoon ah oo degmada ku nool.
Kolkii uu u mahadcelinayay dadka goobta ku sugan, kuwii isagu uu soo kiraystay iyo kuwa sida daacadda ah u soo dhoweeyay si isku mid ah ayaa uu ula hadlayay. Toloow ma isku mid ayey u ahaayeen?
Soodhoweyn ka dib, wasiirku waxa uu kulan la yeeshay odayaasha beesha ee degmada ugu magaca roon. Aniga oo ka mid ahaa dhallinyaradii maalin ka hor magaalada u timi soo dhowayntiisa, oo woxogaagii la ii dhiibayna jeebkayga kii qoyan yahay ayaa markale fursad qaayo leh helay. Waxa aan nasiib u yeeshay in uu adeeg ii dirsado wasiirku. Adeeg kale ma ahayne qaad ayaan suuqa ka soo iibiyay. Qaadkii ayaan keenay goobtii kulanka odayaasha iyo wasiirku ka socday. Ma ahayn in aan kulanka iyo waxa laga ga wada hadlayo midna goobjoog u ahaado, hayeeshee adeegga kolba debedda looga baahanayay ayaa la iiga maarmi waayay. Sidaas ayaa aan fursad ugu helay wasiirkayagii iyo odayaashayadii oo shiraya in aan kulankooda goobjoog ka noqdo. Eebboow waa mahaddaa.

Kaftan iyo sheeko kooban ka dib, qaar odayaasha ka mid ah ayaa wasiirka wax ka weyddiiyay waxqabadkiisa shaqo, muddadii uu xilka hayay. Wasiirku arrintaa si kalsooni leh ayaa uu uga halceliyay. Jawaabihii uu bixiyay waxa aan ka sii xasuustaa: in uu si cad u sheegay; muddadii uu xilka hayay in uu shaqo geeyay illaa shan wiil oo beesha ah; in uu ugu yaraan shan mashruuc oo yaryar oo reero kale doonayeen in ay afka iska mariyaan dhanka degmada u soo leexiyay, iyo in uu habeen iyo maalin hardan kula jiro wasiirrada dhiggiisa ah, oo xaqa beeshayada doonaya in ay beelahooda siiyaan!
Waxqabadkiisa kuwaas ayaa ugu waaweynaa. Waxa sidoo kale xiiso lahayd; wasiirku in uu ahaa nin aftahan ah, oo odayaashu waxyaabaha ay shaqadiisa ku dhalliilsan yihiin si aqooni ku dheehan tahay uga jawaabayay. Cilmiyadiisa durugsan ee yaabka leh waxa ka mid ahaa: in uu dhawr mar soo qaatay gabayo dhiillo iyo danqaabo ah oo raggii hore tirshey, isaga oo tolka ku guubaabinaya in ay xaqooda ilaashadaan, isagana garab istaagaan inta uu xilka hayo. Waxqabadka wasiirku maadaama uu badnaa, una badnaa ilaalinta danaha reerka, waxa uu tolka ku adkeeyay in ay isku duubnaadaan, si aan tafaraaruqooda reeraha kale uga faa’idaysan. Kolkii fadhigu soo gebogebooyay waxa uu tolka ku tirtirsiyay laba meeris oo gabaygii Ergo Daarood ku jiray, isaga oo yidhi:
Intii la isku kiin diri lahaa idinku daawaysta
Dubaaxdaa shisheeye u jarteen siiya doqonkiinna!

Labadaa meeris ee gabayga ah kolkii uu mariyay, nin macallin lagu sheegay ayaa su’aal weyddiiyay wasiirka. Waxa uu ku yidhi: “wasiir, intii aad xilka haysay, dhawrkaa dhallinyarada ah ee beesheenna ah mooyee qof kale oo beelaha kale ka tirsan ma shaqogeysay?” Intii aan wasiirku jawaabin ayuu –hadalka qaatay sheekh Abu Bilaal oo ka mid ah culimada reerkayaga u soo kacday. Sheekhu, isaga oo dhinaca diinta daliil uga eegaya, waxa uu wiilka xasuusiyay qodob aniguba maalintaas uun aan ku baraarugay. Waxa uu yidhi sheekhu: “qof kasta oo muslim ah, oo ehelkiisa gacan u fidisaayi, [haddii uu cibaado ula niyoodo] waa u sadaqo!” Xadiis baa sidaa sheegay ayuu hadalka sii raaciyay. Intaas ka dib, Cabdifiniin oo dhuxulleyaasha reerka ka mid ah ayaa isaguna macallinkii weedh karaahiyo ah ku tuuray, oo ku yidhi: “waar waxaas oo kale mar dambe wasiirka ha weyddiinnin… macallinna ma tihide!”

Ugu dambayn, Caaqil Jablibaax oo cuqaasha reerka u talisa ugu da’weyn ayaa shirka soo xidhay. Caaqilku, waxa uu hadalka kaga baxay laba meeris oo xamdinaq ah. Waa laba meeris oo uu ka soo ergistay gabaygii Ciddijiid ee Xasan-Tarabbi M. Shaywaal. Waxa uu yidhi caaqilku:
Cuqaal talisa waayeel cadli ah culimo miisaan leh
Ilaahii carshiga nuuriyoow kaaga caban mayno!

Booqashadii wasiirka, waxqabadkiisii iyo fadhigii wacdaraha lahaa ee uu odayaasha la yeeshay sidaas ayuu ku soo idlaaday, habeenkiina waxa warka tiifiiga waxa lagu soo daray wasiirka oo xadhigga ka jaraya daaryar oo laba maqsin ah, oo hey’ad yar magaceeda aan illaaway dhawr sano degmada ka dhisaysay!

W/Q: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”

 827 total views