Crypto Currency waa lacag digital ah oo isticmaalkeeda laga adeegsado Internetka. Isbadalka qiimaheeduna wuxuu ku xidhanyahay kolba dalabka suuqa lacagta crtyo-da. Halka lacagta daabacan ay ugu jiraan shilimada iyo waraaquhu ayey token-kuna ugu jiro Crypto currency.
Crypto currency waxaa laga iibsadaa laguna iibiyaa Sayladaha kala iibsiga ee suuqyada crypto, adigoo adeegsanaya bangi-gaaga lacagtu kuugu kaydsantahay. Bar bilawga hayaanka maalgashi waxa uu kuula eekaan karaa mid culus hase ahaate maanta maalin uu ka hawl yaryahay hore inooma soo marin, sababtuna waa in meel kasta oo aad aduunka ka joogto helitaanka xogtu uu fududaaday interner-ka awgii.

 

 3 Arimood ayaad u baahantahay si aad u bilawdo maalgshiga crypto currency.

  1. Bangi caalami ah …. Maaha xawaalad
  2. Inaad account ka furato sayladaha lagu kala iibsado Crypto currency sida Binance, Coinbase, Crypto.com iyo qaar kaloo badan.
  3. Xadi lacageed oo ka bilaabma $15, waxay kuu goyn kartaa Jajab(Fraction) lacagaha waaweyn ah sida BTC iyo ETHr ama xadi badan oo nooca loo yaqaano meme coins sida Shibainu iyo dogecoin.

Intaa ka dib waxaad iibsan kartaa crypto currency adigoo taxadir badan samaynaya, aqoontaadana kor u qaadaya si aad uga baaqsato khasaare ku soo gaadha isbadbadalka qiimaha crypto oo aad u sareeya awgeed . Ama waxay idhaahdan High market volatility
Markaad iibsato lacagtaasi waxay ku dhacaysaa wallet-kaaga oo ka dhex abuuran kolba platformka aad adeegsanayso.
Fahamka Maalgashiga noocan ah Waxa ugu qiimo badan aqoonta uu qofku u leeyahay mawduucan taaso qof walba uga baahan dadaal Dheeri ah.Si aad u noqoto qof fahamkiisu sareeyo akhri buugaag ka hadlaysa arimahan. anigu waxaan idiin tilmaamayaa buug la idhaahdo crypto currency investing for dummies oo aad PDF version free ah oo hoos ka dajisan kartid.

Link for the book

https://www.readallbooks.org/book/cryptocurrency-investing-for-dummies/

 

 

 1,017 total views