Beri waxa jiri jirey diin iyo dacawo meel ku wada noolaa. Waxa ay ahaayeen saaxiib isku kalsoon. Waxa ay isu raaci jireen kaymaha doogga leh, waanay wada qadhaaban jireen. Diinku waxa uu lahaa god uu ku hoydo bahalaha kalena kaga dhuunto.
Dacawadu waxa ay ahayd xariifad maskax badan, aadna u khiyaamo badan.
*

Maalin maalmaha ka mid ah, iyaga oo kaynta u qadhaab tegay ayuu roob da’ay. Dacawadii waxa ay fekrad u soo jeedisay diinkii, iyada oo ku tidhi: “diinow, ka soo carar roobka, godkaagii aynu ka galno’e.” diinkii waa uu aamminay, waanu soo cararay. Si kastaba ha ahaatee, diinku waxa uu ahaa mid qunyar socda, oo aan sida dacawada orod dheerayn.

*

Markii roobkii xoog u soo da’ay ayay dacawadii godkii uga dheeraysay saaxiibkeed diin. Gudaha ayay gashay, waxaanay gashay diyaargarow. Kaarto ay hore u sii qorshaysatay ayay rabtay in ay maalintaas fuliso, diinku se ma ogayn. Goor dambe, ayuu diinkii oo soo daalay yimi godkiisii.
*

Dacawadii kolkii ay maqashay sanqadha diinka ayay godkii madaxa kala soo baxday, waxaanay tidhi: “diinow, roobku xoog ayuu u da’ayaa, godkuna labadeenna innama wada qaadayo, waanad og tahay in aad leedahay qolof adag oo kaa celin karta. Sidaas daraaddeed, qoloftaada isku qari, irridka godkana seexo – aniguna kolka roobku uu qaado ayaa aan godkaaga kaaga soo baxayaa – oo kuu bannaynayaa.” Diinkii waa uu aqbalay talada saaxiibaddii dacawo.

*

Diinkii, inta uu qoloftiisii isku deday ayuu bannaanka iska seexday, dacawadiina godkiisa dugsoon ayay roobka ka gashay, balse ma ay seexan. Waxa ay u seexan weyday ee u soo jeedday waxa uu ahaa —kolka diinku seexdo in ay soo baxdo, isaga oo hurdana cunto! Wax fiican ma ay ahayn, oo waxa ay ahayd khiyaamo, waa se ay ku fulisay, oo saaxiibkeed oo iska hurda ayay sidaas ku cuntay! Dacawo khaayimad ah ayay ahayd! Dacawo saaxiibtinnimo xun ayay ahayd!

WD: Maxamed-Haykal M. Cabdi.

 753 total views