‘Muslimiinta reer Galbeedka iyo Mustaqbalka Islaamka’ waa ciwaanka buug uu qoray qoraaga mufakirka ah ee lagu magacaabo Tariq Ramadan. Buuggan oo si ballaadhan u lafaguraya arrimaha dhaqan dhaqaale ee ku xeeran Muslimiinta dunida reer Galbeedka. ayaa qoraagu ku carinayaa caqliyadda shakhsiga Muslimka ah ee ku dhaqan Galbeedka.

Ujeeddada qoraagu uu ka leeyahay buuggan ayaa ah sidii loo heli lahaa Muslim dhisan oo ka dhisan dhankasta oo nolosha ah, islamarkaana u babac dhigi kara mawjadaha is wata ee ka aloosan dunida reer Galbeedka. Buuggan oo ah buug aad u dheer ayaan iskudayay in aan qayb ka mid ah Af-soomaali usoo turjumo – turjumid aan rasmi ahayn! Qaybta aan turjumay ayaa iila muuqatay qayb xambaarsan xikmadda guud ee buuggu too tebinayo.

Muslimiinta reer Galbeedka iyo Mustaqbalka Islaamka:

Masuuliyad aad u weyn ayaa soo food saartay Muslimiinta dunida reer Galbeedka, taas oo ka dhigtay, waa Muslimiinta e, in ay wajahaan dhisidda Mustaqbalkooda aad culus. 

Shaki kuma jiro in kuwo Muslimiinta ka mid ahi ku sii socdaan in ay naftooda ku qeexaan mid gebi ahaan ba kasoo horjeedda dunida reer Galbeedka, isla markaana ay ku cawdaan in meeshan aan cidina ka jecleyn Muslimka iyo Islaamka toona. Sidaas awgeed, waxa ay horumariyaan fikir aan caafimaad qabin oo mar walba dhibbane ah, waxayna naawilaan in cidda xoreyn doontaa ay tahay aqoonyahannada iyo mufakiriinta dunida Bariga (waddammada dhaca dhanka Bari ee waddmamada Islaamka badankoodu ku yaallaan). Laakiin maanta waxa jira astaamo cad, gaar ahaan dhanka dumarka, kuwaas oo muujinaya in arimuhu is beddelayaan oo ay soo baxayaan Muslimiin badan oo ka war qaba arrimaha culculus ee ay wajahayaan.

Muslinnimmada dunida reer Galbeedka dhexdeedu waa dhadhaminta iimaanka, damiirka iyo xikmadda. Arinta keliya ee taas lagu xaqiijin karaana waa in la sarakaco oo laga qayb qaato arrimaha socda iyada oo laysku hubeynayo baahida Alle, daacadnimo iyo ka go’naasho dhaba. 

dhaqdhaqaaqa dib u qaabaynta ee ka dhex dhalan raba Muslimiinta dunida reer Galbeedka wuxu u baahanyahay aqoon ay ku ladhantay fariinta Islaamka iyo shuruucdeeda adduun iyo agab diyaara oo bini’aadamka ka caawiya in ay la qabsadaan bulshada ay ku dhex noolyihiin isla markaana ay u bedeli lahaayeen guud ahaan caalamka. 

Dhanka kale, waa in aynaan dhayalsan aqoonta reer Galbeedka, taariikhda bulshooyinkooda iyo madaaristooda, dhaqamada iyo guud ahaanba hab-fikirkooda. Maxaa yeelay waddadani waa waddada ay tahay in lasii maro si aynu halkan ugu dareenno sidii guryaheenii (wadamadeenii) oo kale, isa markaana aynu is dhex-galka bulsho ee wanaagsan ku dabbaqno shuruucda Islaamka, innaga oo ka joogayna wax walba oo ay inaga xaaraamtimeyso. 

Dhaqdhaqaaqa dib u qaabaynta, sidii aan hore usoo sheegnay, wuxuu u baahanyay kacdoon caqli oo dhaba. Kaas oo suurta geliya in dib loogu heshiiyo qiimaha Islaamka ee caalamka, isla markaana aynu joojinno in aan nafaheenna u aragno kuwo tiro yar oo la mija-xaabiyey; taa beddelkeedana aan isku dayno in aan wax badan qabanno sidii aan uga ilaalin lahayn nafaheenna bii’adda innagu xeeran ee aynu u aragno in ay tahay mid khatara. Sidii aan taas u suurta gelin lahaynna waa in aan nafteenna ka xoreynaa hummaagga beenta ah ee aan mar walba isku soo celcelinno oo aan si dhab ah u waajahno xaqiiqada horteenna taalla.

 956 total views