Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Wax ka badalay hantidii iyo lacagtii deebaajiga ahayd ee lagu Xidhay Xubinta u tartamaysa Doorashada Deegaanka iyo Golayaasha Wakiilada. Fadhigii Maalinimadii Axadda ee shalay ayaa lagu meel mariyay Xeerka Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada. Waxa Meesha laga saaray arinta kootada Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay, Da’da Musharaxa  tartamaya ayaa iyadana laga dhigay inaanu ka yaraan 30 jir.

Geesta kale Xubinta isu soo taagaysa Tartanka Doorashada Baarlamaanka ayaa Hantida uu haysto lagu soo Koobay 40-Milyan oo Somaliland shillin ah, sidoo kale Golaha Deegaanka Darajada A ayaa laga dhigay 15 Milyan oo Somaliland Shilin ah. Waxa  gabi ahaanba Meesha laga saaray wixii loo yaqaanay is Xanbaar oo lagaga soo bixi Jiray Gobolada Sool iyo Sanaag Bari. Da’da Codbixiya ayaa Iyana la ansixiyay in aanu ka yaraan 15-Sanno.

Ugu danbayn Golaha Wakiilada  ayaa Fasaxoodii  Caadiga ahaa kaasi oo noqonaya 45 Cisho.

 347 total views