Raysal Wasaaraha Dhawaan la Magacaabay  ee Dalka  Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii kala wareegay ku xigeenkii hore Mahdi Guuleed oo jagadaa si Kulmeel gaadh ah u hayay Muddo laba Bilood ku siman.
Raysal Wasaarihii  hore Xasan Cali Khayre oo horey u dalbaday inuu isagu Xil Wareejinta Sameeyo ayaa wararku sheegayaan in laga diiday oo aanu kaaso Xaadirin Goobta ay Xil Wareejintu ka dhacaysay.  Arinta ku saabsan in laga hor joogsaday Mr Khayre inuu uu isagu Xil wareejinta sameeyo ayaa Xubna Mucaaradka ahi ku tilmaameen in ay tahay arin Sharciga baal marsan oo aan waafaqsanayn Dastuurka iyo Xeerka Dawladda Federaalka Somalia.

Si kastaba ahaa tee Xil wareejinta ayaa si habsami ah uga dhacday Xafiiska Raisal Wasaaraha taas oo maalmaha soo socda uu Raisal Wasaaraha Cusubi halw maalmeedkiisa shaqo guda gali doona maalmaha soo socdo.

Somalifair News.

 525 total views