Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Xubno sarsare oo Xukuumaddiisa ka tirsan ayaa si rasmiya isugu diiwaangaliyay ka qaybgalka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee la filayo inuu  Horaanta Bisha Tobnaad ka qabsoomo Magaalada Hargaysa. Madaxweyne Biixi intii uu ku sugnaa Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye oo ah oo goobta Shirku ka dhici doono, waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiinta Xisbiga iyo Guddida qabanqaabada Shirka.

Geesta kale diyaar garowga Shirka ayaa si wayn looga dareemayaa guud ahaan Somaliland, waxana Magaalada Hargaysa kusoo qulqulaya Ergooyinka ka qayb galaya Shirka. Kala soco wixii warar ah ee kasoo kordha Somalifair News.

 411 total views