Amiir Azim oo ahaa dhaxal-sugaha afaraad ee boqortooyada Brunei iyo wiilka Suldaan Hassanal Bolkiah ayaa sabtidii ku geeriyooday caasimadda Bandar Seri Begawan ka dib xanuun xun oo mudo uu la ildarnaa.

Boqortooyada ayaa wadanka galisay todoba cisho oo baroordiiq qaran ah iyadoo ku dhawaaqday in aanay wax dabaal dag ahi dhici doonin mudodaas todobada cisho ah. Inkastoo sababta dhabta ah ee dhimashada keentay aan la ogayn haddana xogo laga helay dadka ku dhodhdhow ayaa sheegaya inuu u geeriyooday xanuunka kansarka.

Azim ayaa caan ka ahaa dadka caanka ah ee shirkadda Hollywood iyo guud ahaan dadka baadhiyaynta jecel ee reer galbeedka kuwooda lacaglayda ah.

Hantida khaaska ahayd ee Azim ayaa ahayd $5 billion oo dollar. Waxa uu sawiro caan ah la galay  Michael Jacson, Pamela Anderson, Joan Collins, Scarlet Johansson iyo qaarkaloo badan oon halkan lagusoo koobi Karin.

 330 total views