Qaryaan Cabdillaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan” kolkii uu ka hor yimi dawladdii askarta ee Soomaaliya, waxa uu u goostay dhinaca Itoobbiya. Baxsashadiisii maalmo ka dib, Idaacaddii Addis Ababa qaybteedii Af Soomaaliga ayuu suugaantii lagu yaqiin kaga soo dagaal galay, isaga oo markaa la safan taliskii Mingiste ee Xabashida. Jeerkaas, Dhoodaan taliskii Maxamed Siyaad waxa uula baxay magaca ‘Fadhato’. Tixdiisii u horraysay ee uu dhanka Itoobbiya ka soo tiriyo waa ka ku leh:

“Waxay fadhato eeddaaba waa noo udgoon yahaye…”

Mar kale, “Waxay Fadhato qaaqda u haysaa sow qayiran maaha?”

Haddaba tixda Ogaysiis ee uu Itoobbiya ka soo diray waxa ka dareen celiyey dhawr abwaan uu ugu tun roonaa Cabdi Iidaan Faarax “Hanqadh”. Dhoodaan oo tibaaxaya kolkii uu Soomaaliya joogay in uu cadow ku hoos jirey, eeggana dalkiisii oo Itoobbiya ah nasiibku ku soo celiyey, baa leh:

Aarkii dabooliyo shacbiga uubatada raacay

Markaan idhi dadkiinnaa anbaday uga al-oolayso

Een bari sidaa awaadeed Xamar ka ooyaayey

Nin ag joogay cadow baan ahaa kana irdhaysnaaye

Awel hore ishaariyo sarbeeb urursan mooyaane

Cabsi aadmi hadalkaan in badan u afra duubaayey

Addis Ababa maantaan imide oodda kaga qaaday

Waataan xaqii ugu addimay sidii axkaaneede;

Ikhtiyaarkay anigoo hadliyoo aashay soconaaya

Ogaadeenya nimankii af-xidhay waan ka aarsadaye

Aqalkaygii anigoo ku jira oo Itoobbiyana

Eeggana idaacada kaleen kaa afurinaayo

Irrideedu waagii horeey innaga owdnaydee

Iyana waa albaab noo furmiyo Adarideenniiye….

Kolka la qiimeeyo dareenkii Soomaalida iyo dagaalkii xilligaa Itoobbiya lagula jirey, gabaygaasi maansayahan badan ceeb iyo gunnimo ayuu ula muuqday. Haddaba, Cabdi Iidaan Faarax oo fursaddaa ka faa’idaysanaya, ayaa Dhoodaan ugu jawaabay tix Baahsan magaceedu yahay, oo meerisyadani ku jiraan. Waxa uu yidhi:

Bulsho muruqa Soomaaliyoo baal u wada jeedda

Iyadoon wax naga baydhsanayn baaxaddii qaranka

Maalintii Baqiic iyo sidii Beder kuwii leexday

Dhoodaan ba waa kaa ka baxay baro Islaameede

Waa kaa Shisheeyaw baxsaday baadina u lumaye

Barbarkaad ka soo jeedsatiyo boholo-jiidhkaaga

Bili xumo Ilaah kugu ridiyo waa bar kugu taalle

Haddaan belo ku wadin reer Amxaar lama bahawdeene

Waxa tahay nin magacii ba’ay oo buus la leeyahaye

Birta nacabka lagu sii wadaa boqonta kaa goyne

Basaas nagu dhex jirayow tagtaye mee bud-dhigahaagi?

Dhoodaan, gabaygaa iyo qaar kale oo rag kale u tiriyeen ba cabbaar ayuu ka aammusay. Ha yeeshee kol dambe ayuu soo tiriyey gabayga Qarjacmuudle, isaga oo aammuskiisa quudhsi ku macnaynaya, Cabdi Iidaanna si dadban ugu jawaabaya, ayuu yidhi:

Qolqol looga caytamo sidii qaafadii dumarka

Wax la qaab ah qoonkii shubaa ima quseeyaane

Af qadoodi jaarriga baraan weedhuu qaayibine

Ka qab weyni oo lama qastee waaban quudhsadaye

Isma qabanno iimana qalmaan oo ma qayrsado’e

Kuwaa se Fadhato qawlkaan idhaa uga qareemaaya

Ee maanta ii qorinhayaa qaammudkood galaye

Qaash lagu wareemiyo anoon qalab u sii doonan

Qamaan iyo siday sheegayaan qodabbadii Raage

Markaan qalimmadoodii cuskaday qoomamkaa horana

Qofka xune qadaadkiyo la rab qawrac luquntiisa

Mindiduu qoobka kula soo baxaan qoorta kaga goyne…

Mar kale, Cabdi Iidaan ayaa gabayga Qushisocod si badheedh ah hawada u mariyey Dhoodaan. Waa ka leh:

Cabdillaahi maansada qafilan qabar-hagooggeeda

Ee aniga ii wada qayaxan qulul-ujeedkeeda

Dhabbihii gumeysigu qoriyo qararki uu jeexay

Shirkii nalagu qawlaley markii nala qisaasaayey

Qarkaa waxa ka xiga Xabashi baad qaata leedahaye

Kol haddaad gunnimo qaayibtood quus ka tahay xaajo

Oo aad qolada Xayliyo Maryama qiratay reerkooda

Oo inad Axmaar qayb ka tahay qaalinnimo mooddey

Oo aad haatan nimankaa qalaad qoys la noqonayso

Adigiyo intii kula qabtaa qaraf ma goysaan.

Eebbe ha u wada naxariisto Dhoodaan iyo Cabdi Iidaan.

WQ. Maxamed M. Cabdi “Haykal”

 2,054 total views